4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 6 , 2022
Musharax Cirro "Xukuumada Muuse wakhti ayay leedahay wayna tagaysa"
 

Khamiis, January, 6, 2022 (HOL) - Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa ku andacooday in madaxweynuhu uu furista ururada siyaasada uu uga gol leeyahay, si uu bulshada uga qariyo dal daloolooyinkiisa, iyo in uu muddo korodhsi samaysto.

"Xukuumada madaxweyne Biixi waxay u muuqataa in ay ku fashilantay hogaamintii Jamhuuriyada Somaliland, si ay fashilkeeda u qariso oo ay dadka uga indha saabto waxay bilowday qalalaase siyaasadeed," ayuu yidhi Cirro. "Waxay bilowday muran dastuuri ah".

Cirro ayaa taageerayaashiisa ugu baaqay in ay isku garabsadaan sidii Somaliland looga bad baadin lahaa dhibaato uu sheegay in ay ku hayso xukuumada madaxweyne Biixi.

"Xukuumada Muuse wakhti ayay leedahay wayna tagaysa, waxan shacbiga Somaliland iyo ka reer Burco-ba kula dar daarmayaa in aynu u midowno sidii Somaliland looga bad baadin lahaa dhibaatada xukuumada Muuse" ayuu yidhi Cirro.

Cirro ayaa sheegay in madaxweynuhu uu furista ururada siyaasada uga goleeyahay sidii uu mudada u korodhsan lahaa "Markuu sharcigii ku tuntay saddexdii waaxood-ba madaxa ayuu iskugu xidhay, waxa uu dhaliyay muran, murankana u jeedo kaliya ayuu ka leeyahay waana muddo kordhin".

Cirro ayaa goob fagaare ah kala hadlayay kumanaan kamid ah taageerayaashiisa magaalada Burco ee Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]