4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 6 , 2022
Golaha wadatashiga qaran oo isku khilaafsan arrimaha amniga dalka

Khamiis, Janaayo, 6, 2022 (HOL) - Shirka golaha wadatashiga qaran oo socda maalintii afaraad, ayaa xogaha laga helayo waxay sheegayaan in madaxdu isku khilaafsan yihiin cidda looga dambeynayo masuuliyadda hoggaaminta amniga.

Raysal wasaare Rooble ayaa miiska soo saaray inuu doonayo in dhammaan la hoos keeno howlaha amniga uuna noqdo qofka ay hoos imaamanayaan taliyayaasha ciidamada inta lagu jiro howlaha doorashada.

Qaar katirsan madaxweynayaasha dowlad gooleedyada ayaa raysal Wasaaraha ku taageersan qorshahan, halka kuwa kalena ay ka biyo diideen, iyagoo sheegay in madaxweyne Farmaajo uu yahay taliyaha ciiddamada qalabka sida, isagana uu masuul ka yahay amniga dalka.

Qodobkaan ayaa caqabad ku noqday horusocodka shirka, waxaana wararka soo baxaya ay sheegayaaan in madaxweynayaasha qeybtood ku hanjabayaan in ay shirka isaga baxayaan , taasoo fashil ku keeni karta shirka.

Xogo aan helayno shirka waxay sheegayan in raysal wasaare Rooble uu sheegay in daahfurnaanta doorashada ay caqabad ku tahay amniga oo aan gacantiisa ku jirin.

Wuxuu sheegay mar haddii saraakiisha ciiddanku ay amar ka qaadanayaan madaxtooyada Soomaaliya ay adag tahay in xal laga gaaro arrimaha amniga ee doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online