4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 6 , 2022
Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka uga socda magaalada Muqdisho oo Maalintii afaraad galay
 

Khamiis, Janaayo, 6, 2022 (HOL) - Waxaa maanta maalintii afaraad galay shirka magaalada Muqdisho uga socda Golaha wadatashiga Qaranka ee uu hogaamiyo Raysal wasaare Rooble ayna qeybta ka yihiin shanta madaxweyne goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkaan u socda Golaha wadatashiga qaranka ayaa waxay kaga hadlayaan arrimaha doorashooyinka, amniga iyo qorshaha geedi socodka dalka sidii ay iskula meel dhigi lahayeen.

Golaha wadatashiga Qaranka ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay waxay warbixino ka dhageysteen wakiilada Beesha Caalamka, Midowga Musharaxiinta,Ururada Bulshada Rayidka iyo xubno ka socday Haweenka Soomaaliyeed.

Waxaa maanta markale lagu wadaa in madaxda golaha wadatashiga Qaranka ay  sii wadaan doodooda ku aadan arrimaha amniga iyo sida ugu dhaqsiyaha badan ee loo qaban karo doorashooyinka Soomaaliya, waana mid ka mid ah qodobada ugu xasaasisan ee maanta golaha laga sugaayo iney isla meel dhigaan.

Madaxda Golaha ayaa lagu wadaa in maanta ay soo gabagabeeyaan shirka uga socda magaalada Muqdisho ee galay maalintii afaraad, islamarkaana ay kasoo saaraan shirkooda war murtiyeed.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online