4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 6 , 2022
Xukuumadda Soomaaliya oo u yeertay Shan Sarkaal oo lagu tuhmayo afgamgii Xafiiska Raysal wasaare Rooble
 

Khamiis, Janaayo, 6, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuumadda Xilgaarsiinta Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa ka dalbaday Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage in loo yeero ilaa shan sarkaal oo la sheegay in lagu tuhunsan yahay dhacdadii 27-kii bishii lasoo dhaafay ee Decembar, islamarkaana lagu doonanay in xafiiska Raysal wasaare Rooble lagula wareego.

Taliyaha ciidanka xoogga ayaa qoraalka kasoo baxay Xafiiska wasiirka Gaashaandhiga waxaa looga codsaday in shanta sarkaal maalinta Sabtiga ah ee taariiqdu tahay 8-da Janaayo 10:00 barqanimo iney yimaadaan xafiiska wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha, si ay ula kulmaan guddiga loo magacaabay baaritaanka dhacdadaasi.

Saraakiisha loo yeeray ee lagu tuhunsan yahay ayaa kala ah Gaashaanle Sare Xasan Aadan Dhicis Taliyaha Guutada 77aad, Gaashaanle Shaafici Nuur Axmed Abaanduulaha Guutada 77aad, Gaashaanle Dhexe Cabdi Yaasin Cali Kooshin Taliyaha Ururuka 60aad ee Guutada 77aad, Gaashaanle Xasan Duwane Cumar Abaanduulaha Ururka 60aad, 2 Xidigle Muuse Maxamed Caddow (Shaarib) Taliyaha Koox Horinta Gurmad Ururka 60aad.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhameystiran.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online