4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 6 , 2022
Xukuumada Somaliland oo ka hadashay yeedhmadii booliska ee guddomiye Xirsi
 

Khamiis, Janaayo, 6, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyada Somaliland D.R Cabdiwali Sh. Cabdillaahi Suufi, ayaa yeedhitaanka booliiska ee Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan ku tilmaamay wax sharci ah oo iska caadi ah.

"Guddoomiye xisbi ayay u yeedheen ciidanka boolisku, warqad ayaa loo keenay, si sharafleh ayaa loogu yeedhay, si sharafleh ayuu u tagay, si nabad ah ayuu kusoo noqday, intaasina waa inta uu sharcigu ogolyahay" ayuu yidhi wasiir Suufi.

Wasiir Suufi ayaa sheegay in anay is qabanayn in madaxda xisbigu ay dambi baadhista horteeda ka yidhaahdaan madaxweynuhu waa macangag iyo in aan waxba loogu raacin oo ay si nabada ku tagaan.

"Madaxda xisbigu waxay layf (toos) kasoo galeen CID-da horteeda iyagoo leh waddanka dhigtaytar (macangag) ayaa qabsaday, hadana cid ka daba tagtay iyo cid wax tidhi midna ma jirin, markaa waxay noqonaysa su'aashu tolow qofkani waxan uu leeyahay iyo waxan uu samaynayo maanu iska warqabin" ayuu yidhi wasiir Suufi.

Waxa uu sheegay in guddoomiyuhu uu yahay muwaadin, waxna la su'aali karo "Guddoomiyuhu waa muwaadin, hay'addaha amnigu way u yeedhi karayaan isaguna wuu is difaaci karayaa, wax dhib ah oo halkaa ka jiraa ma jiro".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]