4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 5 , 2022
Guddoomiye Xirsi oo ka warbixiyay su'aalihii ay ciidanka dambi baadhistu waydiiyeen
 

Arbaco, January, 5, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan oo saaka looga yeedhay Xarunta ciidanka dambi baadhista ee Hargaysa, ayaa, kadib markii uu kasoo baxay xarunta, sheegay in wax laga waydiiyay eedaymihii uu madaxweyne Biixi u  jeediyay hadalkiisii u danbeeyay.

"Waxay i waydiiyeen su'aalo aan u arkayay in aanan xaq laygu lahayn, oo sharci daro ah, waxa kamid ahaa hadalkii ugu danbeeyay ee aan saxaafada ka idhi" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi ayaa sheegay in wax laga waydiiyay eedayntiisii ahayd "madaxweynaha Somaliland wuxuu haystaa baasboor Jabuutiyaan ah", isagoo markale, sheegay in uu caddaynayo in madaxweyne Biixi uu haysto dhalashada dalka Jabuuti.

"Waxay i waydiiyeen 'maxaad u sheegtay in shuruudihii madaxweynaha ee dastuurka ku qornaa ay calaamatul su'aal saarantahay', waan u sheegay in uu haysto oo aan caddaynayo imikana waan u sheegayaa", ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi ayaa sheegay in Somaliland tahay dimuquraadi, isla markaana uu dastuurku u damaanad qaaday muwaadiniinta xoriyada hadalka.

"Waxaanu leenahay dalkuna waa dimuquraadi, dalkana xisbiyada iyo muwadiniintana dastuurka ayaa u damanad qaaday xoriyatul qowlka", ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi ayaa sheegay in ay aqbaleen yeedhmada ciidanka iyagoo xisbi ahaan ixtiraamaya sharciga, "Dhacdo cusub ayay ahayd, lakinse anaga oo sharciga ilaalinayna ayaanu tagnay aniga iyo musharaxa madaxweynaha".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]