4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 5 , 2022
Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashada Puntland oo ka hadlay sababtii uu isku casilay
 

Arbaco, January, 5, 2022 (HOL) - Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Puntland, Guuleed Saalax Barre, oo maanta xilka wareejiyay, ayaa ku eedeeyay maamulka madaxweyne Deni inuu cuuryaamiyay geeddiga dimuqraadiyada Puntland.

Guuleed Saalax ayaa sheegay in xubno katirsan maamulka Puntland iyo siyaasiyiin kale oo ku aragti ah, ay geed dheer iyo gaaban u fuuleen sidii ay u fashilin lahaayeen nidaamka dimuqraadiyada Puntland, iyagoo ka eegayay dano iyaga u qaas ah, sida uu sheegay Guuleed.

Wuxuu sheegay caqabadaha uu shaqada uga tagay in ay qeyb ka tahay, kadib markii xildhibaannadii ku yimid codka shacabka ay bannaanka weli joogaan, loona oggolaan in la fariisiyo, si ay masuuliyaddooda ula wareegaan.

“Suurtagal ma ahan, dadkii dadku doorteen oo xeerka iyo nidaamku qorayo in waqti go’an lagu fariisiyo, illaa maanta jn ay bannaanka wareegayaan. Sidee ummadda uga gadayaa qeybta kale ayaan u gudbayaa, iyadoo dadkii la doortay ay bannaanka joogayaan. Maxkamaddii dastuurka oo aan jirin iyo maxkamaddii sare oo dhacday july, sidee u dhihi karnaa in hay’addihii  caddaalada oo aan dhisnayn, ayaan sii wadaynaa barnaamijkan,” ayuu yiri Guuleed Saalax Barre.

Guuleed ayaa ugu dambayn ugu baaqay madaxweynaha Puntalnd in gacmihii uu ku dhisay nidaamka dimuqraadiyada Puntland, uusan ku burburin, wuxuuna  codsaday in guddiga doorashooyinka loo dhameystiro wax kaste oo ka dhiman.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online