4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 5 , 2022
Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo looga yeedhay xarunta ciidanka dambi baadhista Somaliland

Arbaco, January, 5, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali X. Xasan, ayaa looga yeedhay Xarunta Ciidanka Dambi Baadhista  Somaliland ee Hargaysa, si wax looga waydiiyo eedaymo uu madaxweynaha u jeedeyay.

Guddoomiye Xirsi oo ay weheliyaan saraakiisha ugu sarraysa xisbiga Waddani, sida musharaxa xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro, Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun iyo madax kale, ayaa gaadhay xarunta dambi baadhista halkaasi oo su'aalo lagu waydiinayo.

Muniir Axmed Cigaal oo ka tirsan xisbiga Waddani, ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiyaha wax laga waydiinayo eedayntiisii ahayd "in madaxweyne Biixi uu haysto baasboorka dalka Jabuuti" sida uu Muniir sheegay in ay ku qornayd waraaqda dambi baadhistu usoo dirtay Xirsi.

Xirsi ayaa yeedhmadiisa ku tilmaamay dimuquraadiyadii iyo xoriyatul qowlkii oo meel lagaga dhacay xili uu sii galayay xarunta ciidanka dambi baadhista ee Hargaysa.

Dib ayaanu idin kala soo wadaagi doona natiijada kasoo baxda, su'aalaha uu wajahayo guddoomiye Xirsi.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]