4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 5 , 2022
Wariye Cabdisalan Germany oo lagu xidhay magaalada Hargaysa
 

Arbaco, January, 5, 2022 (HOL) - Wariye Cabdisalaan Axmed Cawad (Cabdisalaan Germany), oo kamid ah wariyayaasha ka howlgala magaalada Hargaysa, ayaa la sheegay in ciidanka booliisku ay gurigooda kala baxeen.

Wariyaha ayaa la laayahay meel lagu xidhay, waxaana la sheegayaa in qoyskoodu ay ka baadi goobayaan saldhigyada booliiska ee Hargaysa, sida uu xildhibaan Maxamed Abiib sheegay, isagoo sharci daro ku tilmaamay in eedaysanaha meel qarsoon lagu xidho.

"Waa sharci darro in maalin walba layidhaa qofbaa la waayay meesha lagu xidhay, waa waajib saaraan hay'adaha ammaanka inay ehelka iyo asxaabta u sheegaan halka lagu xidhay iyo sababta loo xidhay wariye Cabdisalaan Germany, xubno ka mid ah qoyskiisa ayaa ilaa maanta baadi-doon ugu jiray goobta lagu xidhay " ayuu yidhi Xil: Abiib.

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo xidhay Germany, lakin mid kamid ah qoraaladii uu bogiisa ku baahiyay labadii maalmood ee u danbeeyay ayuu naxariis Alle ugaga dalbay madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadii Soomaalida Maxamed Siyaad Barre, taasi oo loo malaynayo in ay sababtay xadhigiisa hada.

Wariyaha  ayaa hore si wayn uga soo horjeestay xadhiga Cabdimaalik Muuse Coldoon, isagoo bogiisa Facebook kusoo gudbin jiray qoraalo uu ku difaacayo Coldoon. Sidookale, Garmanay ayaa kamid ahaa dadka aadka uga soo horjeeda xukunka madaxweyne Biixi.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]