4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 5 , 2022
Beesha Caalamka oo ku boorisay hoggaamiyeyaasha Soomaalida inay xaqiijiyaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo
 

Arbaco, January, 5, 2022 (HOL) - Beesha Caalamka ayaa ugu baaqay Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya  in ay xaqiijiyaan in doorashada dalka ka socota ay noqoto mid lagu kalsoonaan karo oo dhawaan la soo gabagabeeyo.

Baaqaan ayaa yimid kadib markii shalay diblumaasiyiin ay magaalada Muqdisho kula kulmeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada.

"Saaxiibada caalamku waxay ku boorinayeen golaha wadatashiga qaran inay xaqiijiyaan in doorashadu ay noqoto mid lagu kalsoonaan karo oo la dhamaystiro si Soomaaliya ay diiradda u saarto arrimaha kale ee mudnaanta leh sida amniga iyo horumarka," ayuu ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ku yiri bartiisa Twitter-ka.

Wada-hawlgalayaashu waxay sheegeen inay dhiiri-gelinayaan hagaajinta fulinta hannaanka doorashada, oo ay ku jirto sixitaanka khaladaadka xeer-hoosaadka iyo hubinta waqti cad lagu dhammaystiro doorashooyin lagu kalsoonaan karo.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa maalintii saddexaad Muqdisho ka socda shirka golaha wadatashiga, kaasi oo looga hadlayo sidii looga gudbi lahaa ismari waaga siyaasadeed ee doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online