4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jan 5 , 2022
Madaxweynaha Somaliland oo markale magacaabay masuuliyiin uu hore u magacaabay

Arbaco, January, 5, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa markale dib u magacaabay 14 masuul oo uu muddo 3 bilood iyo badh ka hor ah magacaabay, kadib markii shirguddoonka golaha wakiiladu uu sheegay in ay muddo dhaaftay wakhtigii goluhu ansixin lahaa, dibna ugu celiyeen madaxweynaha.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, oo waraysi siiyay VOA Somali, ayaa sheegay in madaxweynuhu uu dib u magacaabis ku sameeyay masuuliyiinta lasoo celiyay oo wasiiro ku jiraan, isla markaana uu golaha dib ugu gudbiyay.

"Arrintaasi waa dastuuri oo dalku qaab ayuu ku wada shaqeeyaa, dastuurka ayaana jidaynaya qaabka ay ku wada shaqeeyaan, umana aragno wax wayn madaama oo wax ka yar 10 cisho muddo dhaaf ku yimid, isla markiiba madaxweynuhu wuu aqbalay waraaqdii ka timid golaha wakiilada dib ayuuna u magacaabay sida dastuurku jidaynayo" ayuu yidhi wasiir Koore.

Wasiirka ayaa shirguddoonka wakiilada ku dhaliilay in aanu aqbalin muddo dhaafka xeerka furista ururada siyaasada oo la sheegay in uu madaxweynaha agtiisa ku muddo dhaafay, isla markaana uu soo celiyay masuuliyiinta muddo dhaaftay, "Waxa arrinta la yaabka lihi tahay in shirguddoonku tii horena aanu aqbalin tana uu aqbalay".

Wasiir Koore ayaa ku taliyay in loo baahanyahay in ay wada shaqayn fiican yeeshan xukuumada iyo golaha wakiilada, oo meesha laga saaro xafiiltanka si shaqadu u qurux badnaato.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]