4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 4 , 2022
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Soomaaliya oo heshiis $185 milyan ah la gashay WFP
 

Talaado, January, 4, 2022 (HOL) - Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay wakiilka hay'adda WFP ee Soomaaliya, Mudane Elkhidir Daluum,iyagoo ka wada hadlay sidii loo xoojinta lahaa iskaashiga wasaaraddu ay la leedahay hay’adda WFP iyo sida loo sii ballaarin karo wada-shaqaynta labada dhinac.

Kulanka ayaa lagu saxiixay heshiis wada shaqayn, oo ay ku baxayso 185 milyan oo dollar. WFP ayaa qaadanaysa door fulin oo la xiriira gaarsiinta Bulshada nugul ee ka faa’iideysta barnaamijka Qaran ee taageerrada Dadka nugul ee Baxnaano iyo mashruuca deg degga ah ee taageerraya qoysaska Ayaxu saameeyay. Waxaa sidoo kale diirrada la saaray ka jawaabida abaarta iyo saamaynta bulsho ee xaaladaha deg degga ah.

" Waxaan hoosta ka xariignay sida ay Dawladda Soomaaliya iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada uga go'antahay xaqiijinta mashaariicda Dawladda ay leedahay oo Baxnaano ugu horreeyo ee WFP fuliso, heshiis wada shaqayn oo aan wadajir u saxiixnay ayay arrintaa ku caddahay."ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab oo kulanka ka hadlay, wuxuu inta ku daray "Dadaalka ku aaddan in Dawladda ay fuliso mashaariicda taageerraya bulshada ayaa meel wanaagsan noo maraya, waxaana dhawaan la dhammaystiri doonaa nidaamka diiwaanka bulshada."

Wasiirka ayaa sidoo kale WFP uga mahadceliyay shaqooyinka gargaarka ee ay ka qabato Soomaaliya,isagoo markaa ugu baaqay dhammaan hay'adaha gargaarka inay ballaariyaan ka jawaabida saamaynta abaarta.

Wakiilka hay'adda WFP ee Soomaaliya, Mudane Elkhidir Daluum, oo dhankiisa warbixin guud ka bixiyay mashaariicda ay hay'addu fulinayso sannadkan ee taageerraya bulshada, ayaa boggaadiyay wada shaqaynta wasaaradda ee WFP.

"Sharaf ayay ii tahay inaan mar kale fursad u helo ka shaqeynta soomaaliya iyo u adeegida shacabka soomaaliyeed, waqtigan waa inaan meesha ugu hooseysa ee cunta yarida gaarnaa, kana qeyb qaadanao hormur iyo nabad waarta. sidoo kale waxaan ka wadahalnay wasiirka inaan sii xoojino xiriirkeenna gaar ahaan dhinacyada horumarinta fulinta qorshaha qaranka."ayuu yiri wakiilka WFP ee Soomaaliya, Elkhidir Daluum.

Kulanka ayaa ah midkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan  wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo wakiilka WFP oo la soo magacaabay dabayaaqadii sannadkii hore ee 2021.

Iman Jama, Hiiraan Online