4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 4 , 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaal ka dhacay magaalada Dhuusamareeb
 

Talaado, January, 4, 2022 (HOL) - Inta la xqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay, halka sadax askari oo ka tirsan ciidanka Gorgor ay ku dhaawacmeen dagaal duhurnimadii Maanta ku dhexmaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa dhexmaray ciidamo Booliis ah iyo kuwa Kumaandooska Gorgor, kaasoo la sheegay inuu bilaawday kadib markii ciidamada Gorgor is hortaag ku sameeyeen howlgalo ay sameynayeen ciidamada Booliiska oo ay kula dagaalamayeen waxyaabaha maanka dooriya, iyadoo halkaasi uu waqti kooban ku dhexmaray dagaalka oo sababay in magaalada kala xiran muddo saacado ah.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa la sheegay inuu kala dhexgalay ciidamada dagaalamay, kaasoo ku guuleystay inuu kala qaado labada ciidan, waxaana haatan degan xaalada guud ee magalaada Dhuusamareeb.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay laamaha amaanka degmada Dhuusamareeb oo ku aadan dagaalka maanta ku dhexmaray degmadaasi ciidamada kawada tirsan dowladda Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online