4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 4 , 2022
Al-shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerar lagu dilay 6 qof oo ka dhacay gobolka Lamu ee Kenya
 

Talaado, January, 4, 2022 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerar khasaare badan dhaliyay oo ka dhacay deegaanka Windho ee gobolka Lamu halkaas oo lagu dilay ugu yaraan 6 qof Kenyaan ah.

War rasmi ah oo kasoo baxay Alshabaab, ayaa lagu sheegay in dadka weerarkaas lagu dilay uu ku jiray guddoomiyihii tuulada Windho oo qiyaastii  28KM u jirta deegaanka Mpeketoni ee gobalka Lamu

Wararka ayaa intaas ku daraya in dableyda weerarka qaaday ay dab qabadsiiyeen guriga guddoomiyaha deegaanka Windho, kadibna dagaal culus ayaa lasoo wariyay in uu halkaas ku dhexmaray dagaalamayaasha  Alshabaab iyo ciidamada Kenya.

Mid kamid ah dadka la dilay ayaa qoorta laga jaray sida ay sheegeen warbaahinta Kenya oo soo xiganaysay saraakiil katirsan dowladda Kenya ee maamulka gobolka Lamu.

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in kooxda weerarkaan ka dambeysay ay baxsadeen, inkastoo ay sheegtay in ay ciiddankeeda amniga ku raad joogaan sidi gacanta loogusoo dhigi lahaa.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online