4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 4 , 2022
Jenaraal Tareedishe oo ka hadlay dagaalo ka dhacay gudaha iyo duuleedka magaalada Baledweyne
 

Talaado, January, 4, 2022 (HOL) - Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 27-aad Jenaraal Axmed Maxamed Calasoow Tareedishe ayaa ka hadlay dagaalkii dhawaan deegaanka Qowlad ee duuleedka magaalada Baledweyne ku dhexmaray ciidamada dowladda, kuwa Hirshabeelle iyo ciidamada ay hoggaamiyaan Jenaraal Xuud iyo Korneyl Nuur Dheere.

Taliyaha ayaa sheegay in dagaalkaasi uu ahaa mid xabada lagu bilaabay ciidanka xoogga dalka xili ay kusii socdeen howgalo la dhan Al-shabaab.

"Ciidanka xoogga oo ku socda howlgalo lagula dagaalamayo ayaa xabad lagu bilaabay, waxaana kasii horeysay kolanyo uu hoggaaminaayay guddoomiyaha gobolka Hiiraan sidaaso kale xabad lagu bilaabay,marka waxaan leyahay waxii siyaasad ah siyaasadu ha xaliso waxii dhaqan ahna dhaqanka ha xaliyo" ayuu yiri Jenaraal Tareedishe.

Waxuu intaasi ku daray taliyaha ciidanka xoogga dalka qeybta 27-aad in la qaboojiyo xiisada oo uu sheegay iney hurinteeda qeyb weeyn ka qaadanayaan dadka isticmaala baraha Bulshada.

Hadalkaan kasoo yeeray Jenaraal Tareedishe ayaa imaana xili ciidamadii ay kula dagaalameen duuleedka magaalada Baledweyne ay haatan ku sugan yihiin gudaha magaalada Baledweyne gaar ahaan xaafada kooshin, kadib markii odayaasha dhaqanka ku guuleysteen heshiis hordhac ah oo xabad joojin iyo in ciidanka is horfadhiyay la kala qaado ah.

Xaalada magaalada Baledweyne saacadahii lasoo dhaafay waxay aheyd mid degan oo kasoo kabsaneysa xiisadii taagneyd ee dagaalada iyo banaanbaxyada kala xiray dhamaan dhaqdhaqaaqyadii ganacsiga iyo isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online