4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 3 , 2022
Faysal Cali Waraabe: Waxa caddaatay in madaxweyne Muuse uu sharcigii laalay"
 

Isniin, January, 3, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID Faysal Cali Waraabe, ayaa mar kale si kulul u dhaleeceeyay ku dhawaaqista furista ururada siyaasada, oo uu aad uga soo horjeedo si lamid ah xisbiga Waddani.

Faysal ayaa sheegay in anay haboonayn in xeer 14 ay meel mariyaan golihii wakiilada ee hore, xeerkan ayaa saamaxaya in ururada siyaasada la furo toban kii sanno-ba mar, iyadoo ururada siyaasadu waji ka waji, u tartamayaan.

"Hadii aynu nahay umad dal iyo dad eegaysa xeerkaasi in uu baarlamaanka soo dhaafo may ahayn, wuxuu kasoo horjeeda dastuurka, waa qaran dumis," ayuu yidhi Faysal.

Faysal ayaa sheegay in madaxweyne Biixi uu horaantii sannad kii hore u balan qaaday in aanu saxeexi doonin xeerka, isla markaana aanu soo dhaafi doonin golaha guurtida. Waxa kale oo uu sheegay in madaxweyne Biixi uu is badalay markii Xirsi uu noqday guddoomiyaha xisbiga Waddani.

"Muuse waanu ka wada hadalnay bishii April wuxuu yidhi bahalka guurtida ayaan ku joojinaya, maaha mid kuu qalma, oo doorasho toos ah oo axsaab ahi wax suuragal ah maaha, axsaabta marka la furayo waxa loo tartamaa ama deegaan ama baarlamaan," ayuu yidhi Faysal.

"Markii lagu soo tukhaan tukhiyay, wuxuu yidhi waan celinaya...shirguddoonka cusub ayuu usoo dhiibay oo yidhi iga celiya anuu gacantayda ku saxeexi maayee, Muuse waxa la yaable in markii Xirsi laga dhigay guddoomiyaha Waddani uu wasiir kiisa warfaafinta hadal yidhi".

Faysal ayaa ku hanjabay in aanu Biixi u aqoonsandoonin madaxweyne hadii loo baahdo "Muuse waxa caddatay in uu sharcigii laalay, dee mar hadii uu sharcigii tuuray anagu distoorka qaranka ayaanu ku wada joognay anaguna waxaanu kuu sheegayna madaxweyne-nimadaadii waanu ka tashanaynaa".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]