4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 3 , 2022
Shirka golaha wadatashiga qaran ee dhameystirka doorashada oo ka furmay Muqdisho
 

Isniin, January, 3, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed  Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka Golaha Wadaatashiga Qaran oo ka furmay Muqdisho.

Shirka ayaa diiradda lagu saaraya amniga iyo dardargelinta doorashooyinka, daahfurnaanta iyo jaangoynta xilliga la soo gabagabeynayo doorashada Golaha Shacabka BFS.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa ka qeyb galaya shirkaan, oo kusoo beegmay xilli xasaasi ah oo madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu is khilaafsan yihiin.

Beesha caalamka iyo dhammaan daneeyayaasha doorashada sida midowga musharraxiinta ayaa si gaar ah isha ugu haya waxa kasoo bixidoono shirkaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online