4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 3 , 2022
Lix qof oo lagu dilay weerar looga shakisan yahay Al-Shabaab oo ka dhacay gudaha Kenya
 

Isniin, January, 3, 2022 (HOL) - Lix qof ayaa lagu dilay, guryona waa lagu gubay weerar ay dagaalamayaal looga shakisan yahay Al-Shabaab  ka geysteen gobolka xeebta Lamu ee dalka Kenya, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Kenya.

“Waxaan xaqiijinayaa weerar Al-Shabaab ay ku qaadeen halka loo yaqaan Widhuu, waxaana ku weynay lix qof., waxaan sidoo kale haynaa guryo la gubay,” ayuu yiri guddoomiyaha Lamu Irungu Macharia.

Guddoomiyaha Lamu ayaa sheegay in ay ciidamadda ammaanka ku daba jiraan kooxda weerarka ka dambeyay, isagoo ka codsaday dadka deegaanka inay gacan ku siiyaan sidii ay u garab istaagi lahaayeen.

Al-Shabaab ayaa dhowr jeer weeraro waaweyn ka geystay gudaha dalka Kenya, iyagoo uga aargudanaya ciidamada Kenya ay u soo dirtay gudaha Soomaaliya sanadkii 2011-kii, si ay qeyb uga noqdaan AMISOM.

Gobolka Lamu, oo ay ku taallo  Jaziirada caanka ah ee loo dalxiis tago ee Lamu, ayaa ku dhow xuduudka Soomaaliya, waxaana ka dhaca weeraro joogto ah, oo inta badan loo adeegsado qaraxyo jidgooyo ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online