4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 3 , 2022
Puntland oo sheegtay in casilaada madaxda guddiga doorashada aysan saamayn ku yeelan doonin doorashada qof iyo cod
 

Isniin, January, 3, 2022 (HOL) - Wasaaradda Arrimaha gudaha iyo Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa sheegtay iscasilaadda Madaxda Guddiga Doorashooyinka in aysan saameyn ku yeelan doonin in laga guul gaaro hirgelinta iyo dhammeystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod.

Wasaaradda arimaha gudaha ayaa guddoomiye Guuleed, Ku xigeenkiisa Jaamac iyo dhammaan Xubnaha Guddigaba uga mahad celisay hawl karnimadii horseeday qabsoomidda doorashooyinkii horudhaca ahaa ee Ufeyn, Qardho iyo Eyl.

Wasaaraddu waxay sheegtay qorshaha dhammeystirka Doorashooyinka Degmooyinka dhiman inuu u soconayo sidii loogu talo galay.

Dhinaca kale guddiga doorashooyinka Puntland oo shalay kulan  degdeg ah isugu yimid ayaa doortay guddoomiye kumeel gaar ah iyo ku xigeen, waxayna sheegeen in shaqada guddigu sii socon doonto.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online