4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 3 , 2022
Raysal wasaarihii dalka Sudan oo is casilay
 

Isniin, January, 3, 2022 (HOL) - Ra'iisul wasaarihii dalka Suudaan, oo afgambi militari xilka looga tuuray, balse dib loo soo celiyay muddo bil ka hor, ayaa is casilay.

Go’aanka uu qaatay ra’iisul wasaare Abdalla Hamdok ayaa ku soo aaday iyadoo dibadbaxyo baahsan ay hareeyeen dalka ku yaalla waqooyi bari ee Afrika.

Dibad-baxayaashu ma cambaarayn kaliya afgambigii xilka lagaga xayuubiyey Mr. Hamdok bishii Oktoobar ee waxa ay sidoo kale cambaareeyeen heshiiskii dib ugu soo celiyey awoodda bishii November.

Kooxaha mucaaradka ah iyo xoogaga kale ee waaweyn ee siyaasadda ayaa ku gacan seyray oo ku tilmaamay tanaasul aan la aqbali karin oo la siiyay militariga, kaasoo xukumayay Suudaan inta badan taariikhdeeda tan iyo markii ay noqotay waddan madaxbannaan in ka badan lixdan sano ka hor.

Khudbad uu ka jeediyay taleefishinka fiidnimadii Axaddii xalay, Mr. Hamdok wuxuu sheegay in isku dayo dhexdhexaadin ah oo soo noqnoqday ay guul-darreysteen maalmihii la soo dhaafay, loona baahan yahay in waddanku uu galo wadahadal cusub oo lagu jeexayo waddo loo maro waddan dimoqraadi ah, oo rayid ah.

Khudbadiisa ayaa timid saacado un kadib markii ay ciidamada ammaanku dileen saddex qof oo mudaaharaadayey, sida ay sheegeen golaha dhexe ee dimuquraadiyadda ee Suudaan, taasoo tirada guud ee dadka lagu dilay labadii bilood ee ugu dambeysay ka dhigaysa 57 qof.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online