4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 3 , 2022
Xukuumada Somaliland oo baaq kasoo saartay dagaalo ka dhacay gobolka Sool
 

Isniin, January, 3, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland, ayaa baaq nabadeed kasoo saartay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Saax-maygaag ee gobolka Sool, dagaalka ayaa sababay dhimashada ilaa 6 qof oo dhinacyadii dagaalamayay ah, tirro kalena way ku dhaawacmeen.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in xukuumada Somaliland aad uga xuntahay dagaalka, isaga oo ku baaqay in maamulka Puntland kala shaqeeyo daminta colaada, madaama oo beelaha dagaalamay midkood ay Puntland dagantahay.

"Aad iyo aad ayaan uga xumahay qaska iyo qalalaasaha iyo dhimashada joogtada ah ee ka socota deegaankan ku dhaw degmada Bocame, oo ku jirta xuduuda J. Somaliland, saacada imika aanu hadlayno dowlada Somaliland waxay ugu baaqaysa labada maamulba in arrintaa qalaanqal keeda la afjaro, "ayuu yidhi wasiir Kaahin.

Wasiirka ayaa tibaaxay in shicibka dagan dhinaca Somaliland lasoo weeraray, wuxuuna ku baaqay in weerarka la joojiyo.

"Dowlada Somaliland-na waxaanu caddaynaynaa in anay dagaalkaa meelna lug kaga lahayn, shicibka ka tirsan Somaliland waxaanu qabnaa in meesha lagu soo weeraray, waxaanu jecelnahay in weerarka laga daayo"

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweyne  Biixi iyo madaxweyne Dani ay ka wada hadleen sidii loo dajin lahaa dagaalka "Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne Dani way wada hadleen" ayuu yidhi Kaahin. "Waxaanu soo jeedinaynaa maamul goboleedka Puntland iyo J. Somaliland labada qoloba in aanu ka shaqayno arrinta maamulka".

Gobolka Sool ayaa ah gobol ay halakeeyeen dagaal beeleedyo marka la bar bar dhigo gobolada kale ee Somaliland, iyadoo sannad kasta ay ka dhacaan dagaalo qabiil sal ku leh. Wasiir kaahin iyo saraakiil kale ayaa dagaalkan ka hor gobolka u joogay xasilinta colaad beeleedyo kale.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]