4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 3 , 2022
Madaxweyne Mustafe cagjar " Waxaan masuuliyad iska saarnay inaan ka jawaabno arrinta Abaaraha "
 

Isniin, January, 3, 2022 (HOL) - Sida aan ka warqabno waxaa muddooyinkii u dambeeyay dowlad degaanka Soomaalida ka jirtay abaar dad iyo duunyaba saamaysay, taas oo keentay inay dad badani barakacaan, halka xoolo badanina ay abaartaas darteed u baaba'aan.

Haddaba Madaxwaynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar, oo la hadlayay Jaaliyadda dowlad degaanka Soomaalida ee Canada ayaa ugu horreyn waxaa uu ku booriyay jaaliyaddu inay gacan ka gaystaan hawlaha samafaleed ee lagu samata bixinayo dadkii ay abaaruhu saameeyeen.

Waxa kale oo uu sheegay in ka xukuumad ahaan ay masuuliyad iska saareen sidii ay jawaab uga bixin lahaayeen arrinta Abaaraha soo noqnoqday, isla markaana qorshe u qaateen sidii aysan abaarta hadda degaanka ka jirta aysan u noqon lahayn mid macluul ka dhalata, iyadoo aysan naf bani adam ahi abaar darteed u go'in, waxa uuna xusay inay jiraan codsiyo ay u gudbiyeen dowladda dhexe, oo ay kaga codsanayeen in lacagaha loo qabto dadkii ay dagaalladu saameeyeen lagu daro ka degaan ahaan dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Dowlad degaanka Soomaalida ayaa inta  badan waxaa muddo dheer ka jirtay abaar daran, iyo waliba biyo yaraan saamaysay nolosha dad badan oo xoolo dhaqato ahaa, kuwaas oo markii dambe xoolihiina ay ka dhammaadeen.

Abaartan ayaa noqotay mid dheeraatay, isla markaana dhaaftay awoodihii bani adamka.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]