
Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle
ayaa soo saaray jadwalka qabashada doorashada lix kursi oo ka mid ah
kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ee deegaan
doorashadoodu tahay magaalada Jowhar.
newsinsideWar
qoraal ah oo kasoo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in maalmaha berito
iyo saad dambe oo taariiqda ku beegan tahay 26-27 ka bisha Janaayo ay
bilaabaneyso diiwaan gelinta, tababarka iyo shaacinta guddiga soo
xulista Ergada.
Lixda
kursi ay shaaciyeen guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa sadax ka mid ah
waxaa ku tartami doono Dumar ay ka mid tahay Khadiijo Maxamed Diiriye
oo ah wasiirka Gargaarka Maareynta iyo Musiibooyinka Xukuumadda
Soomaaliya, waxaana doorashada kuraastan la shaaciyay ay dhici doonaan
31-ka bishaan Janaayo.
Hoos ka akhriso Jadwalka ay Shaaciyeen Guddiga Doorashada Hirshabeelle.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online