4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 25, 2022
Ururka ONLF oo shaaciyay degaannada Soomaaliyeed ee horey looga soo dhiibi jiray xubnaha ururka
 

Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Afhayeenka Ururka ONLF Cadaani hormooge ayaa sheegay in degaanno badan oo Soomaaliyeed laga soo dhiibay xubno badan oo kamid ah Ururka ONLF.

Afhayeenka oo u waramayay BBC da ayaa sheegay in xubnaha ugu badan ONLF laga soo dhiibay Soomaaliland, tiro ahaana dhanaayeen 250 xubnood oo ay ku jiraan xubno gole dhexe ah, sida Garjubi, Cabdulaahi Qaji, Bishaaro Wacdi, iyo xubno kale.

Degaannada kale ee Soomaalida ee iyagana laga soo dhiibay xubnaha ONLF waxaa kamid ah Puntland oo laga soo dhiibay 30 xubnood, sidoo kale Muqdisho ayaa waxaa laga soo dhiibay Cabdikariim Sheekh Muuse iyo qof kale, oo iyagana loo dhiibay dowladda Itoobiya oo xilligaa dagaal kula jirtay ONLF.

Sidoo kale degaannada kale ee xubnaha ONLF laga soo dhiibay ayaa waxaa kamid ah Galmudug oo laga soo dhiibay 31 xubnood, oo ay kamid ahaayeen Muxumed Anni, Dhabuuke, iyo xubno kale.

Jabuuti ayaa iyaduna kamid ahayd meelihii sidoo kale laga soo dhiibi jiray xubno badan oo kamid ah Ururka ONLF, waxayna tiro ahaan gaarayeen xubnaha lasoo dhiibay ilaa 74 xubnood.

Dhammaan xubnaha ONLF ee degaannada Soomaalida laga soo dhiibi jiray, ayaa waxaa loo dhiibi jiray dowladda Itoobiya oo dagaal ba'an kula jirtay Ururka ONLF.

Dhawaan ayay ahayd markii xukuumadda Soomaaliya ay raalli galin ka bixisay dhiibistii Qalbi dhagax, sidoo kalena ONLF kasaaray liistada Argagaxida oo horey ururka ONLF loogu daray.

Ururka ONLF ayaa dhammaan degaannada laga soo dhiibi jiray xubnaha ONLF ka dalbaday inay raalli galin ka bixiyaan, dhiibistii ay xubnaha ONLF ugu dhiibi jireen dowladda Itoobiya.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]