4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jan 25, 2022
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo kulan ku saabsan horumarinta dhaqaalaha la qaatay madax ka socotay Faransiiska
 

Talaado, Janaayo, 25, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa kulan la qaatay xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Faransiiska, kulankaas oo looga hadlay dib u habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo fursadaha maalgashi ee dalka.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa xilli kobaca dhaqaalaha dalka ay si weyn u saameeyeen abaaro ba’an oo ka dhashay roob la’aanta iyo caqabado amni ee ka jira guud ahaan dalka.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hanaanka deyn cafinta oo heer gabo gabo ah maraya.

Faransiiska ayaa ah taageere muhiim ah oo si dhow ugala soo shaqeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya dhinacyada dib u habeynta, horumarinta dhaqaalaha iyo habka Cafiska Deynta.

Labada dal ayaa si dheeraad ah uga wada hadlay dib u habeynta dhaqaalaha iyo horumarka oo laf dhabar u ah horumarka dalka.

Sannadkii 2020, Soomaaliya iyo Faransiiska ayaa kala saxiixday heshiis lagu baabi'inayo deymo gaaraya $306m oo Soomaaliya lagu lahaa, sida uu shaaciyay wasiirka maaliyadda, Cabdiraxmaan Beyle.

Laga soo bilaabo sannadkii 2016, Soomaaliya waxa ay gashay safar dheer oo dib-u-habayn dhaqaale ah iyada oo la raacayo Barnaamijyo dabagalka maaliyaddeed ee hay'adda lacagta adduunka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online