Ingiriiska oo wakiil cusub usoo magacaabay Somaliland


Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Dowlada Ingiriiska ayaa Lizzie Walker, usoo magacowday in ay noqoto wakiilka cusub ee dowlada UK u fadhiyi doona xafiiska Hargaysa ee Somaliland, iyadoo badalaysa Staurt Brown.

newsinsideWasiirka Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland, DR Ciise Maxamuud Kayd, ayaa marwo Walker kusoo dhaweeyay magaalada Hargaysa, isla markaana Walker ayaa dhankeeda wasiir Kayd uga mahadcelisay soo dhawaynta.

"Aad ayaan uga mahadcelinayaa in Wasiirka Ariimaha Dibadda Somaliland, ii igu soo dhaweeyo xafiiska UK ee Somaliland, anigoo kala wareegi doona Staurt Brown...waxan ka shaqayn doona horumarinta xidhiidhka Somaliland iyo UK," ayay tidhi Walker.

Walker ayaa horay usoo noqotay madaxa  Badhtamaha Afrika ee Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka iyo Horumarinta ee Dowlada Ingiriiska.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]