4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 24, 2022
Booliiska gobolka Banaadir oo xiray haweenay loo haysto muuqaal laga duubtay carruur shiishad cabaya
 

Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in laamaha amnigu ay gacanta kusoo dhigeen haweenay ku eedeysan in ay labo carruur ah oo ay dhashay ka duubtay muuqaal ay baraha bulshada ka faafisay iyadoo siinaysa Shiishad.

Gudoomiye ku xigeenka dhinaca amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir, Cali Yare Cali oo warkaan kusoo daabacay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in ay haweenayday u gudbin doonaan laamaha garsoorka, si loogu qaado damnigeeda.

“Howlgal ay sameeyeen laamaha amniga waxaa noo suurtagashay inaan gacanta ku soo dhigno Hooyo ku takri fashay labo gabdhood oo saqiiro ah oo ay dhashay kana duubtay muuqaal iyada oo siineeysa Badeeco/Shiishad - muuqaalkaas oo argagax galiyay Bulshada Soomaaliyeed Dal iyo Dibadba,” ayuu yiri Cali Yare.

Cali Yare ayaa u mahad celiyay qof shacab ah oo xogta ku saabsan haweenaydan la wadaagay laamaha amniga, kadib markii dhowaan maamulka gobolka Banaadir uu codsaday in lasoo gudbiyo macluumaadka ilmaha la siinayay shiishada.

Labada carruur oo da’doodu lagu qisaayo afar jir illaa shan jir, ayaa baraha bulshada qabsaday, iyadoo dadku ay aad uga xumaadeen in ilmo intaas la ‘eg lagu barbaariyo maandooriye.

Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii tagay bilowday howlgallo lagula dagaalamayo maandooriyaha, iyadoo xaraysay boqolaal carruur ah oo maandooriyaha ku isticmaali jiray waddooyinka Muqdisho.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online