4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 24, 2022
Qalbi dhagax: Waxaan maqsuud ka ahay go'aanka golaha wasiiraddu raalli galinta uga bixiyeen dhiibistaydii
 

Isniin, Janaayo, 24, 2022 (HOL) - Cabdikariin Sheikh Muuse (Qalbi dhagax) ayaa soo dhoweeyay go’aankii kasoo baxay golaha wasiiradda Soomaaliya, kuwaas oo shalay raalli galin bixin ka bixiyay dhiibistiisa, kuna tilmaamay inay ahayd xad gudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Cabdikariin qalbi dhagax ayaa raysal wasaaraha uga mahad celiyay inuu hormuud u ahaa go’aanka ay golihiisa wasiiraddu qaateen, isagoo sheegay inay raysal wasaaraha horey uga wada hadleen arrintaan.

“Maqsuud baan ku ahay go’aanka maanta xukuumadu gaartay, aad baana ugu faraxsanahay. Waxaana isku dayidoonaa inaan qabano xaflado aan dabaal dagayno go'aanka wasiiradda," ayuu yiri Qalbi dhagax  

Qalbi Dhagax ayaa sheegay xukuumadii isaga dhiibtay in ay maalintii la dhiibay sharaftoodii dhimatay, marka laga reebo shakhsiyaad kooban oo uu sheegay in ay ka hor yimaadeen xukunka lagu dhiibay.

Wuxuu sheegay in dhiibistii ahayd mid midaysay qaluubta dadka Soomaaliyeed. Wuxuuse nasiib darro ku tilmnaamay dad weli katirsan golaha wasiiradda in ay aaminsan yihiin dhiibistiisii in ay ahayd sharci.



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online