4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 23, 2022
Afhayeenka Kulmiye: "Xirsi-yow dalkan Somaliland waa laga qaban doono"
 

Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa masuuliyad daro ku eedeeyay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Xaaji Cali Xasan, isagoo sheegay in uu dayacay xilal badan oo lagu aaminay.

Buuni oo ka jawaabayay eedihii uu shalay Xirsi u jeediyay xukuumada madaxweyne Biixi, ayaa Xirsi ku tilmaamay shakhsi qayral masuul ah, oo dacay masuuliyado hore loogu dhiibay.

"Xilkii kowaad wuxuu ahaa in uu xisbiga Kulmiye u matalo Guddida Doorashooyinka Qaranka, goor aan hadhna ahayn habeena ahayn ayaad iska casishay...wuxuu Siilaanyo kuu magacabay wasiirkii maxadtooyada, isagana maalincad ayaad banaysay" ayuu yidhi Buuni.

Buuni ayaa sidookale sheegay in xukuumadii Daahir Riyaale ay Xirsi kasoo qabatay isagoo meel Burco ku dhaw ku haysta ciidan iyo baabuur tigniko ah, isla markaana xabsiga loo taxaabay.

Buuni ayaa Xirsi ku tilmaamay qof ku faraxsan masuuliyad darooyin uu hore u galay, waxaanu ku andacooday in wax laga qaban doono "Adiga iyo kuwa kula mid ka ahba dalkan Somaliland waa laga qaban doono".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]