4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 23, 2022
Walaaca la xiriira in ciidamo Soomaaliyeed ka qeyb galeen dagaalka waqooyiga Ethiopia oo mar kale soo shaac baxay

Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Wargays lagu magacaabo Globe and Mail ayaa qoray inuu helay warbixino leh caddeymo oo ku saabsan in ciidamada Soomaalida ee lagu tababarayay Ereteriya ay ka qeyb qaateen dagaalka  gobolka Tigray bilihii hore ee dagaalka.

Wargeyska ayaa sheegaya cadeymahan cusub in ay keenayaan su’aalo ku saabsan isbahaysi milatari oo qarsoon oo u dhexeeya Itoobiya, Eritera iyo Soomaaliya kaas oo dhimasho iyo burbur u gaystay gobolka Tigray e waqooyiga Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u beenisay in ciidamadeeda la geeyay gobolka Tigray ka qeyb galeen dagaalka waqooyiga Ethiopia. Balse wargeyska Globe ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo Soomaaliya ah oo ka barbar dagaalamayay ciidamada Eritrea.

Sannadkii hore, Qaramada Midoobay iyo saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay inay heleen xog ku saabsan in ciidamo Soomaali ah ay ku sugan yihiin gobolka Tigray.

Waalidiinta Soomaaliyeed ayaa sanadkii hore dhowr banaan baxyo ka dhigay magaalada Muqdisho iyo meelo kale oo ka tirsan Soomaaliya, iyagoo ka cabanayay in wiilashooda lagu amray inay ka dagaalamaan gobolka Tigray-ga.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online