4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 23, 2022
Al-shabaab oo sheegatay Masuuliyadda dilka guddoomiyahii hore ee gobolka Hiiraan

Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Iyadoo xalay fiidkii kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho allah u naxariistee guddoomiyahii hore ee maamulka Gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahin Macoow, xili uu kasoo baxay Salaadii Cishaha ayaa waxaa masuuliyada dilkiisa sheegtay Al-shabaab.

War qoraal ah oo ay Al-shabaab kusoo daabaceen baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay ku sheegteen Masuuliyada dilka Cabdiraxmaan Ibraahin Macoow iney fuliyeen rag hubeysanaa oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaas oo si deg deg ah uga baxsaday goobtii ay ku dileen marxuumka.

Cabdiraxmaan Ibraahim Macoow ayaa ahaa Musharax u taagna ka mid noqoshada Baarlamaanka 11-aad ee dalka oo uu si rasmi ah u shaaciyay inuu u taagan yahay u tartamida kursiga tirsigiisu yahay HOP 58.

Marxuumka ayaa mudooyinkii dambe deganaa degmada Wadajir ee Xalay ku dileen rag ka tirsanaa dagaalamayaasha Shabaab.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online