4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 23, 2022
Doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo maanta ka dhaceysa magaalada Kismaayo
 

Axad, Janaayo, 23, 2022 (HOL) - Waxaa maanta oo Axad ah lagu wadaa in magaalada Kismaayo ay ka qabsoonto doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Lixda kursi ee maanta lagu dooran doono Kismaayo waxaa u taagan oo kuwada tartami doono 12 Musharax oo soo buuxiyay sharuudahii loogu talo galay doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ee dalka.

Kursiga koowaad ee maanta HOP 107 waxaa ku tartami doona Musharaxiinta kala aha Xaawo Maxamed Aadan oo horay ugu fadhisay kursiga iyo Maxamed Sheekh Nuur Cismaan, Xasan Cismaan Aadan.

Kuraiga labaad ee HOP 114 oo uu horay ugu fadhiyay Cabdulqaadir Maxamed Cismaan oo laga reebay doorashada kursigaan ayaa waxaa maanta tartami doona Musharaxiinta kala ah Cumar Ibraahim Xaashi iyo Cabdi Aadan Cabdullaahi.

Kursiga sadaxaad ee HOP 120 oo uu ku fadhiyo C/qaadir Sheekh Cali Ibraahim Baqdaadi ayaa isna laga reebay tartanta kursigan oo uu ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay, waxaana maanta ku tartami doona Asad Cabdirisaaq Maxamed iyo Saciid Cabduqaadir Shukri.

Kursiga afaraad ee HOP 111, waxaa maanta ku wada tartami doona Musharaxiinta kala ah Cabaas Cali Ibraahim iyo Aadan Mursal Cadoow, waxaana laga reebay tartanka kursiga Maxamed Nuur Iftin Shambara oo ku fadhiyay kursiga afartii sano ee lsoo dhaafay.

Kursiga shanaad ee HOP 28 oo uu horay ugu fadhiyay Cabdullaahi Maxamed Aadan Shaacir, waxaa Maanta ku tartami doona Cabdinuur Cali Aadan iyo Axmed Cabdi Maxamed.

Kursiga lixaad ee HOP 93 oo uu ku fadhiyo Wasiirkii hore ee Diinta iyo Awqaafta Sheekh Nuur Maxamed Xasan oo isna laga reebay doorashada, waxaana ku tartami doona Saciid Maxamed Cali iyo Mahad Nuur Xaaji Cismaan.

Maamulka Jubbaland ayaa u muuqanaya mid dardargelin kuwada howlaha doorashada Golaha Shacbka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, tan iyo waxii ka dambeeyay markii Golaha wadatashiga qaranka isku raaceen in doorashada lagu soo gabagabeeyo 40 cisho gudahooda.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online