4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 22, 2022
Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland oo dalacsiiyay askar ka qaybshay banaanbixii maanta
 

Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Gen: Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, ayaa dalacsiiyay 5 askari oo muuqaaladoodu baraha bulshada ku baaheen, iyagoo la dabaaldagaya bulshada banaanbaxyadii lagu taageerayay dooda Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay aqoonsiga Somaliland.

Askarta kala ah K/k Cabdirashiid jaamac Cawad, L/Ale Sagal Cabdilaahi Xuseen, L/Ale Ayaan Baashe Maxamuud, L/Ale Cabdi Asker Mahamed iyo D/le Mukhtaar Ibraahim Jabrill, ayaa la abaal mariyay kadib markii la arkay iyaga oo qoob ka ciyaar la ciyaaraya dadwaynihii kasoo qayb galay banaanbaxa, iyagoo sidookale nabada ilaalinaya.

"Ciidankan ayuu taliyuhu dalacsiiyay min hal darajo marka laga reebo K/k 5638 Cabdirashiid Jaamac Cawad oo uu dalacsiiyay laba darajo" ayaa lagu yidhi warbixin booliisku soo saaray.

Ciidankan ayaa ka tirsanaa qaybta galbeedka Hargeisa gaar ahaan saldhiga dhexe halka hal gabadhna ka tirsantahay Ciidanka Dawalada Hoose Hargeisa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]