4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 22, 2022
Guddoomiyahii hore ee maamulka gobolka Hiiraan oo Caawa lagu dilay magaalada Muqdisho

Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw oo Caawa ah lagu dilay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho allaha u naxariistee guddoomiyahii hore ee maamulka gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Ibraahin Macoow xili uu kasoo baxay Masaajid uu kusoo tukaday Salaadi Cishaha.

Marxuumka ayaa la sheegay iney dilkiisa geysteen rag bastoolado ku hubeysnaa kuwaas oo dhowr xabadood ku dhuftay, islamarkaaa si deg deg ah uga baxsaday goobta ay ku dileen Marxuumka.

Allah u naxariiste Marxuum Cabdiraxmaan Ibraaahin Macoow oo ahaa siyaasi si weyn looga yaqiinay gobolka Hiiraan ayaa dhawaan magaalada muqdisho uga dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan Xildhibaanimo kursiga tirisigiisu yahay HOP 58.

Lama oga cida ka dambeysa dilka marxuumka oo goordhaw ka dhacay degmada wadajir ee magaalada Muqdisho oo uu deganaa mudooyinkii dambe.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online