4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 22, 2022
Shan Kamid ah kuraasta aqalka hoose oo lagu doortay magaalada Garowe
 

Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Waxaa maanta magaalada Garowe ee caasimadda Puntland ka billaabatay doorashada xildhibaannada  aqalka hoose ee golaha shacabka, iyadoo la doortay shantii kursi ee ugu horreysay.

Doorashadii ugu horreysay oo ay ku tartamayeen Cabdi Ibraahim (Qawdhan) iyo Abshir Cabdi Xuseen ayaa waxaa ku guulaystay Cabdi Ibrahim Warsame Qowdhan oo helay 90 Cod.

Xildhibaan  Qowdhan, oo ah wasiir ku xigeenka maaliyadda Puntland iyo saaxiibada dhow ee madaxweyne Deni. Waxaana la tartamayay Abshir Cabdi Xuseen uu helay 6 Cod.

Wasiiru-dowlaha Waxbarashada Puntland, Cabdullaahi Xasan Rooble ayaa noqday xildhibaanka labaad ee ku soo baxay doorashada golaha shacabka. Wuxuuna helay 93 cod.

Musharraxa la tartamayay oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Maxamed Ciise, ayaaa isna helay 3 Cod, 3 Codna way xumaadeen.

Kursiga saddexaad waxaa ku tartamay Cali Yusuf Cali Xoosh oo horey uga mid ahaa barlamankii hore ee Soomaaliya iyo Cabdiwaaxid Abshir Ibrahim,

Waxaa ku guulaystay Cali Yuusuf Cali Xoosh oo helay 93 Cod 99 , halka Cabdiwaaxid Abshir Ibraahim uu helay 5 Cod , 1 Codna wuu xumaaday.

Kursiga 4aad oo ay ku tartameen Cabdilaahi Bidhaan Warsame oo ah wasiirka kalluumaysiga Soomaaliya iyo Cabdixakiin Jaamac Xasan, ayaa waxaa ku guulaystay Cabdilahi Bidhaan Warsame oo helay 99 Cod, halka Cabdixakiin Jaamac Xasan uu helay 2 Cod.

Kursiga 5aad oo ah kursigii ugu dambeeyay ee doorashada waxaa ku guulaystay Axmed Cabdi Xaashi (Axmed Taajir), taliye ku xigeen kasoo noqday ciiddanka booliiska. Wuxuu helay 98 Cod.

Dhammaan xildhibaannada soo baxay waxay ahaayeen kuwo horey loosii hadal hayay, mana aysan la kulmin loolan adag oo dhinaca doorashada ah.

Madaxweyne Deni ayaa lagu eedeeyay inuu doorashada u boobay shakhsiyaad maamulkiisa katirsan iyo saaxiibadiisa siyaasadeed ee kale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online