4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 22, 2022
Qaali Maxamuud Guhaad "Ma ahan wax dhici kara inuu Fahad Yaasiin tago magaalada Baledweyne"
 

Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Hooyada dhashay Ikraan Tahliil Faarax oo aheyd gabar ka tirsaneyd ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed oo markii ugu war dambeysay lagu waayay gacanta taliska hay'adda Nabadsugida Qaranka ayaa ka hadashay safar ay sheegtay inuu Baledweyne ku tagayo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Qaali Maxamuud Guhaad ayaa sheegtay iney dhici karin inuu safar ku tago Baledweyne Fahad Yaasiin oo ay sheegtay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ka dambeeyay dilka gabadheeda Ikraan Tahliil, waxayna sheegtay inuu doonayo inuu Baledweyne u doonto si uu usoo helo xil uu ku dhuunto, iyadoona ugu baaqday Beesha ay ka dhalatay iyo beesha gabarteeda ka dhalatay inuusan Baledweyne imaan Fahad Yaasiin.

"Waxaa Baledweyne usoo socdo Fahad Yaasiin oo doonayo inuu helo xil uu ku dhuunto ma imaan karo, dalka wuxuu ku dhisan yahay 4.5 aniga iyo gabadheeydana waxaan kasoo jeednaa laba beel oo ah kuwa ugu weyn ee daga gobolka Hiiraan, Gabadheeyda waxay kasoo jeedaa Beesha Gaaljecel Samoow oo ah Beesha haddii Geel laga dhacdo uusan hal habeen mooro kale ku hoyan, sidee u aqbali karaan in Fahad Yaasiin oo gabadhooda ay ku maqantahay inuu yimaado Baledweyne, Anigana waxaan ka dhashay Beesha Xawaadle oo ah beel uusan cadowgeeda waligiis ilibin ka qaadan, mana aqbalayaan inuu Fahad Yaasiin yimaado magaalada Baledweyne" ayey tiri Qaali Maxamuud.

Hadalkaan maanta kasoo yeeray Hooyo Qaali Maxamuud ayaa imaanaya xili la filayo in dhawaan magaalada Baledweyne ay ka bilaabato doorashada 25 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo Baledweyne taala, waxaana kuraastaasi ka mid ah kursi uu doonayo inuu ku tartamo taliyahii hore ee hay'adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online