4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 22, 2022
Banaanbaxyo lagu taageerayo Baarlamaanka Ingiriiska oo ka dhacay Somaliland


Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Dadweynaha Somaliland ee ku dhaqan gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa saaka iskugu soo baxay banaanbaxyo ay ku taageerayaan doodii Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay aqoonsiga Somaliland 18-kii bishan.

Kumanaan dadwayne ah oo iskugu jira, caruur, dhalinyar, odayaal iyo haween, oo ruxaya calanka Somaliland, ka Boqortooyada Ingiriiska iyo sawirka xildhibaan Gavin Williamson oo ah xildhibaankii dooda aqoonsiga Somaliland horgeeyay baarlamaanka, ayaa iskugu soo baxay magaalooyinka waa wayn iyo degmooyinka Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka socda xisbiyada mucaaradka Somaliland, ayaa dadweynaha kula dabaal dagay Beerta Xoriyada ee Hargaysa.

"Waxan Alle ugaga mahadnaqayaa in dalkii aynu taariikhda 76 sannadood ah lahayn, laga qiray qadiyada Somaliland, waxaanu bogaadinaynaa xildhibaanada Ingiriiska, gaar ahaan Gavin Williamson" sidaa waxaa yidhi madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.

Dhamaan saraakiisha iyo dadwaynihii halkaa ka hadlay ayaa bogaadiyay dooda Baarlamaanka Ingiriisku ka yeeshay arrinta qadiyada aqoonsiga Somaliland

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]