4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 22, 2022
Xisbiga Waddani oo xukuumada Somaliland ku eedeeyay wax qabad la'aan

Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in aanay fulin balanqaadyo lagu xusay booga ollolaha xisbiga Kulmiye xiligii doorashadii 2017.

Guddoomiye Xirsi, ayaa ku andacooday in xukuumada madaxweyne Biixi anay fulin  balanqaadyadii ay ollolaha ku gashay, oo ay kamid ahaayeen in ay dhisayso, wadooyin waa wayn, dugsiyo farsamo gacmeed, madaaro iyo kaabayaal kale.

"Buuga waxa ku qoran in uu dhisi doono wadada isku xidha Burco ilaa Warcimraan, in uu dhisi doono wadada isku xidha Burco ilaa Oodwayne, in la dhamaystiri doono jidadka Hargaysa, Burco, Ceerigaabo, Salaxlay, wadada Dowga-cad iyo madaaro, 4 sanno kadib waa hal bacaad lagu lisay" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi ayaa sheegay in xukuumada Biixi ay shacabka been u sheegtay "Beentu waa xaaraan ee maa Alle laga yaabo, bulshadu indhaha ayay kala haysaaye maa laga xishoodo".

Hadalka Guddoomiye Xirsi ayaa kusoo beegmaya xili ay xukuumada Somaliland warbaahinta ka baahinayso wax qabadkeedii 4-ta sanno, isla markaana lasoo bandhigay buug ay ku qorantahay wax qabadka xukuumada.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]