Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Qaar badan oo kamid ah musharraxiinta u taagan kuraasta aqalka hoose ee lagasoo dooranayo Pumtland ayaa madaxweynaha Puntland ku eedeeyay inuu kuraasta doorashada uu u xiray shakhsiyaad kamid ah golihiisa xukuumada iyo saaxiibadiisa.
newsinsideMusharraxiinta ayaa nasiib darro weyn ku tilmaamay in madaxweyne Deni oo markii hore madaxweyne Farmaajo kula dirayay hufnaanta doorashada inuu haatan isagii kuraastii beeluhu u madax bannaanaayeen uu u xiray dad gaar ah.
Waxay ka digeen in arrintan ay saameyn iyo dhaawac ku yeelan doonto mustaqbalka midnimada iyo wadajirka Puntland, iyagoo ugu baaqay Deni inuu faraha kala baxo doorashada golaha shacabka.
Musharraxiintu waxay kaloo walaac ka muujiyeen in doorashada lagu qabanayo xerada ciiddmada ee 54aad. Waxay sheegeen in madaxweyne Deni uu doonayo inuu awood ciidan u adeegsado sidii ay kusoo bixi lahaayeen shakhsiyaadka uu wato.
Cabashada musharraxiinta ayaa kusoo aadaysa xilli maanta lagu wado inay Garowe ka bilaabato doorashada kuraasta xildhibaannada aqalka hoose.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online