4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 22, 2022
Puntland oo Galmudug ka dalbatay in lasoo qabto maleyshiyaad dad ku dilay Koonfurta Gaalkacyo

Sabti, Janaayo, 22, 2022 (HOL) - Maamulka  Puntland ayaa maamulka Galmudug ka dalbaday in ay gacanta kusoo dhigaan maleyshiyaad ka dambeeyay dilka labo qof oo dhalinyaro ah oo kasoo jeeday waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland.

Labadan dhalllinyarada ah ayaa shalay subax maydkooda laga helay duleedka Koonfurta Gaalkacyo, waxaaana la sheegay in la afduubtay kadibna la dilay.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur ayaa shir jaraaid ku sheegay in ay gacanta ku hayaan dadkii ka dambeeyay dilka nin kasoo jeeda dhinaca Galmudug oo habeen hore lagu dilay waqooyiga Gaalkacyo.

Dilka ninkaas ayuu sheegay guddoomiyuhu in loo dilay labada nin ee kasoo jeeda Puntland,  wuxuuna Galmudug u sheegay in iyagana looga fadhiyo in ay soo qabtaan gacan ku dhiiglayaasha.

Wuxuu sheegay in sharciga la waafajinayo dadka falalkaan dambeeyay, isagoo sheegay in aan loo baahnayn fidno laga dhex abuuro bulshada.

Dilalka dadkan ayaa xiisado colaaddeed ka abuuray magaalada Gaalkacyo, waxaana ay saamayn ku yeelatay isdhexgalkii bulshada labada dhinac.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online