4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 21, 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada Gobolada Waqooyi ee Soomaaliland oo shaaciyay jadwalka doorashada 12 Kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka
 

Jimco, Janaayo, 21, 2022 (HOL) - Guddiga maamulaya doorashada gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 12 kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi.

Guddiga dooraahada gobolada Waqooyi ayaa ku dhawaaqay in doorashada 12-ka kursi diiwaan gelintooda iyo tababarka ergada ay bilaabaneyso maalinta berito ah, islamarkaana doorashada kuraasta la qaban doono 24-ka bishaan oo ku beegan maalinta Isniinta ee nagu soo aadan.

Kuraasta la shaaciyay doorashadooda ayaa kala ah HOP 260, HOP 257, HOP, 215, HOP 267, HOP 268, HOP 269, HOP 245, HOP 247, HOP 209, HOP 211, HOP 201, HOP 214, waxana ka mid ah Musharaxiinta ku tartami doono kuraastan la shaaciyay shaqsiyaad caan ah oo uu ka mid yahay wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducalle Beyle.

Hoos ka akhriso Jadwalka ay soo saareen Guddiga Doorashada Soomaaliland.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online