4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 21, 2022
Guddiga Hirgelinta Doorashada Galmudug oo shaaciyay jadwalka doorashada 7 kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka
 

Jimco, Janaayo, 21, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka qabashada doodashada todobo kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka oo deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska guddiga hirgelinta doorashada Galmudug ayaa lagu shaaciyay in maalinta berito ah ay bilaabaneyso diiwaan gelinta Musharaxiinta dooneysa iney ku tartamaan kuraasta la shaaciyay, islamarkaana doorashadooda ay dhici doonto maalmaha Arbacada iyo Khamiista oo ay tariiqdu tahay 26 bishaan Janaayo 2022.

Todobada kursi ee doorashadoodu shaaciyeen guddiga doorashada Galmudug ayaa sumadooda waxay kala tahay HOP07, HOP61, HOP64, HOP248, HOP89, HOP96, HOP71,

Maamul goboleedyada dalka ayaa tan iyo waxii ka dambeeyay markii shirkoodii madashada qaran ee ugu soo dhamaaday Muqdisho waxay bilaabeen dadaalo xoogan oo ay ku dardar galinayaan qabashada doorashada Golaha Shacabka.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online