4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 21, 2022
Magaalada Muqdisho oo looga dhawaaqay Madasha Badbaadada Galmudug

Jimco, Janaayo, 21, 2022 (HOL) - Waxaa magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Madashada Badbaadada Galmudug oo ah madal ay ku mideyaan yihiin Mucaarad ka dhan ah maamulka madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor.

Munaasabadda looga dhawaaqayay Madashaan kasoo horjeeda Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada maamulka Galmudug oo si adag u dhaliilay hoggaaminta madaxweyne Qoorqoor ee maamulka Galmudug.

War qoraal ah oo ay soo saareen Madasha Badbaadada Galmudug kulankooda kadib ayaa lagu sheegay in madaxweyne Qoorqoor mudada joogo Xafiiska oo ah laba sano inuu dib u dhac weyn uu ku yimid maamulka Galmudug oo dhinac kasto leh.

Maamulka Galmudug ayaa noqonaya maamulkii ugu horeeyay ee wajahaya mowjado siyaaaadeed oo ay hormuud ka yihiin siyaasiin caan ah oo kasoo jeeda deegaanada maamulkaasi, mana jirto ilaa haatan wax war ah oo kasoo baxay dhanka madaxweyne Qoorqoor iyo maamulkiisaba oo ku aadan Madasha cusub ee la baxday Badbaadada Galmudug.

Hoos ka akhriso Qoraalka Madasha Badbaadada Galmudug.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online