4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 20, 2022
Somaliland oo qaadaysa talaabo cusub oo ay caalamka aqoonsi kaga codsanayso

Khamiis, Janaayo, 20, 2022 (HOL) - Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Somaliland, ayaa maanta lagu go'aamiyay in shacabka Somaliland ay saxeexaan hal-milyan oo codsi, oo aqoonsi lagaga dalbanayo QM, Jaamacada Carabta, Midowga Afrika iyo caalamka oo dhan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo warbaahinta la wadaagay qodobbada kasoo baxay shirka, ayaa sheegay in goluhu go'aamiyay in codsi bulsho, aqoonsiga lagu baadi doono.

"Golaha xukuumadu waxa uu go'aamiyay in shacabka Somaliland ay sameeyaan arji ama codsi ay u dirayaan hay'addaha caalamka ee ay kow ka tahay Jimciyada Quruumaha ka dhaxaysa, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo ururrada kale ee caalamiga ah" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa shacabka ka codsaday in ay soo dhamaystiraan cidsiyada si loogu gudbiyo ururrada ay khusayso "In hal-milyan oo reer Somaliland ahi ay saxeexooda soo dhamaystiraan, kadibna codsiga aqoonsiga Somaliland loo gudbiyo hay'adaha caalamiga ah".

Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay xubnihii Baarlamaanka Ingiriiska ee Westminister keenay qadiyada aqoonsiga Somaliland, waxaanu dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ay ka baaqsato hor istaaga dadaalada aqoonsi raadinta Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]