4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 20, 2022
Wasiir Jamaal oo si kulul ugu jawaabay xldhibaankii UK ee dalbaday in la aqoonsado Somaliland
 

Khamiis, Janaayo, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay xildhibaan Gavin Williamson oo ah mudane katirsan barlamaanka UK in aanu xaqiiqo ka hayn qadiyada Somaliland.

Wasiirka qorshaynta ayaa weerar afka ah ku qaaday Xildhibaankan oo dabada ka riixaya aqoonsiga Somaliland.

“Qof si sharaf dhac ah xilka loogaga eryay dowladiisa kadib markii uu faafiyay xogta amniga qaranka wax shaqo ah kuma laha arimaha gudaha ee wadan madax bamnaan,” ayuu yiri wasiir Jamaal.

Gavin Williamson ayaa Mooshin uu Salaasadii hor keenay baarlamaanka UK ku codsaday  in Somaliland loo aqoonsado qaran madax-bannaan, balse arrintaan ayaa dib loo dhigay.

Mr Williamson ayaa xilka wasiirka gaashaandhiga laga eryay sanadki 2019 kadib markii lagu eedeeyay inuu faafiyay sirta ka soo baxday shirkii heerka sare ee golaha amniga qaranka.

Balse, wuxuu beeniyey inuu xogtaas faafiyey.

Wasiirka UK ee arrimaha Afrika ayaa ka hortimid hadalka xildhibaan Gavin Williamson, waxayna sheegtay in aqoonsiga Somaliland ee dal madax bannaan uu yahay mid utaalla Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online