4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 20, 2022
Cumar Cabdirashiid: Boobka doorashada ku socda wuxuu shaki galin doonaa sharciyada dowladda dhalan doonta

Khamiis, Janaayo, 20, 2022 (HOL) - Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay inuu welwel xooggan ka qabo sida ay ku socdaan doorashooyinka dalka.

Cumar Cabdirashiid ayaa sheegay boobka lagu hayo kuraasta barlamaanka in ay keeni doonto inuu mugdi galo sharciyada dowladda dhalan doonta.

"Sida bareerka ah ee gacmaha loola galay qabaa'ilada kuraastooda waxay keentay in la xakamayn waayo, waayo habraaca doorashada. Waxaa awood lagu siiyay dowlad goboleedyada in ay yeeshaan awoodda ergooyinka halkii beelaha u madax bannaan lahaayeen arrintaas," ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

Cumar Cabdirashiid wuxuuu sheegay hab dhaqanka    doorashada lagu maamulayo inuu ka awood badan tahay habraaca doorashada, taasoo uu sheegay in ay keentay in si xoog ah lagula soo baxo xildhibaanadda

Cumar ayaa eeda ugu badan dusha uga tuuray dowlad goboleedyada, isagoo ku eedeeyay in ay gacantooda ku qoranayaan guddiyada soo xulaya ergooyinka, taasoo uu sheegay in ay xad gudub weyn ku tahay habraaca doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online