Khamiis, Janaayo, 20, 2022 (HOL) - Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo khadka talefoonka wada hadal kula yeeshay, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda dowladda Imaraadka Carabta, Mudane Sheikh Shakhboot Nahyan Al Nahyan, ayaa uga tacsiyeeyey dhibbaneyaasha weerarkii argagixiso ee ka dhacay magaalada Abu Dhabi.
newsinsideWasiirka iyo Wasiiru-dowlaha ayaa ka wada hadlay hagaajinta xiriirka labada dal iyo muhiimadda ay labada dowladood u leedahay horumarinta xiriirka labo geesoodka ah, iyaga oo isdhaafsaday aragtiyo waxtar u leh iskaashiga arrimaha hortebinta u leh danaha labada qaran.
Wasiirka ayaa ugu hambalyeeyay dowladda Imaaraatka ka mid noqoshahooda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay horraantii bishan.
Labo maalin ka hor ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay cambaareysay duqeymo lagu garaacay magaalada Abu dhabi, halkaas oo 3 qof lagu dilay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online