4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jan 20, 2022
Mashaqadii dabka ee Hartasheekh oo wali halkeedii kasii socota
 

Khamiis, Janaayo, 20, 2022 (HOL) - Waxaa wali halkeedii kasii socda dabkii aan wali lagaran waxa sababaya, ee ka kacayay guryo badan oo ku yaal magaalada Hartasheekh ee dowlad degaanka Soomaalida.

Haddaba sida wararku nagu soo gaarayaan maanta ayay mar kale gubteen guryo kale oo isla magaalada Hartasheekh ku yaal, kuwaas oo sidii guryihii hore ee gubtay aan la garan waxa sababay gubashadooda.

Dadka degaanka ayaa Warbaahinta u sheegay inay la dhibaataysan yihiin guryahan gubanaya, ee aan lagaranayn sababta ay u gubanayaan, iyagoo sheegay in ugu yaraan maalintii ay gubanayaan ilaa 3 guri, maalin walbana ay arrintani joogto noqotay.

Dhanka dowladda wali ma jirto xog rasmi ah oo ay arrintani kasoo saartay, marka laga reebo duqa magaalada Hartasheekh oo Warbaahinta u sheegay in dabkan guryaha ka kacaya loo badinayo inuu sixir yahay.

Shacabka ku dhaqan magaalada Hartasheekh ayaa cabsi xooggan ka qaaday dabkan guryaha ka kacaya ee xalka loo la'yahay, waxayna magaaladu in toddobaad ah noqotay mid la saaxiibta guryo gubanaya sabab la'aan.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]