4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2022
Afhayeenka Kulmiye "Farmaajo miyuu ogolaaday madaxbannaanida J. Somaliland?"
 

Axad, January, 2, 2022 (HOL) - Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, oo ka jawaabay eedo uu guddoomiyaha xisbiga Waddani u jeediyay madaxweynaha Somaliland, ayaa sheegay in Xirsi uu ku ka cay sharci jabin.

Buuni, ayaa ixtiraam daro ku tilmaamay hadalka uu guddoomiye Xirsi ku sheegay in madaxweyne Biixi uu sito baasboor dal shisheeye, isagoo sheegay in uu ku gafay qodobo dastuurka ka mid ah.

"Waxad tidhi madaxweynaha J. Somaliland waa ajaanib, waa eray afka ka wayn, waana danbi culus mana aad xishoon oo waxba maad qadarin mar hadad tidhi dalkan ajaanib ayaa xukuma, mar hadii aad u badheedhay in aad beeniso qodobka 82 iyo qodobka 93 ee Dastuurka J. Somaliland, waa danbi aan u dhaafayno oo u yaala hay'addaha dastuuriga ah" ayuu yidhi Buuni.

"Marka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi aad ku sheegtay ajaanib adigu ma muwaadin ayaad noqonaysa?" Ayuu hadalkiisa ku daray Buuni.

Afhayeenka ayaa Xirsi ku eedeeyay in uu saamayn ku leeyahay guddoomiyaha golaha wakiilada, isagoo ku eedeeyay in uu akhriyay wax aan ku qornayn waraaqaha xasuus dhowrka golaha wakiilada.

"Xirsi wuuxuu yidhi guddoomiyaha golaha wakiilada aniga ayaa leh, oo aarkiifiyada (xusuus dhawr) golaha wakiilada warqadaha aan kasoo qaatay waxa ku qoran iyo waxa uu afkiisa ka yidhi ay aad iyo aad u kala duwanayd" ayuu yidhi Buuni.

Buuni ayaa dhinaca kale, Xirsi ku eedeeyay in uu difaacay madaxweyne Farmaajo "Waxan ogahay shacbiga Somaliland sida ay uga xumaadeen, difaaca aad difaacday Farmaajo, Farmaajo miyaanu ahayn cadowga kowaad ee Jamhuuriyada Somaliland" ayuu yidhi Buuni. "Miyuu ogolaaday madaxbannaanida Jamhuuriyada Somaliland?".

Xirsi oo todobaadkii hore ka jawaabayay hadal uu madaxweynuhu ku duray muddo dhaafka madaxweyne Farmaajo, ayaa Biixi ku eedeeyay in uu isaguba sharciga jabinayo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]