4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jan 2 , 2022
Puntland oo baaq nabadeed kasoo saartay dagaal beeleed ka socda aagga Bocame
 

Axad, January, 2, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Karaaash ayaa baaq nabadeed kasoo saaray dagaal u dhaxeeya labo maleyshiyo beeleed oo haatan ka socda deegaannada Saax meygaag iyo Sange jebiye oo dhaca inta u dhaxeeysa Garowe iyo Bocame.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda labada dhinac, wuxuuna tacsi u diray dadkii ku geeriyooday iyo kuwii ku dhaawacmay dagaalka

Wuxuu sheegay in ay ka xun yahay colaadda soo laabatay, wuxuuna codsaday in si degdeg ah oo sharuud la'aan ah lagu joojiyo xabadda socota, si kharaaha loo xakameeyo.

Axmed Karaash wuxuu sheegay inay Puntland sameynayso dadaal kaste oo lagusoo afjarayo colaadda labada beelood ee walaalaha ah.

Ku dhawaad 10 qof ayaa ku dhintay dagaalka u dhaxeeya labada maleyshiyo beeleed, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 20 kale.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online